Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Taariikh Cusub: Toddobo Xul Carbeed Oo U Soo Baxay Koobka Adduunka 2026

Taariikh Cusub: Toddobo Xul Carbeed Oo U Soo Baxay Koobka Adduunka 2026

Isreeb-reebka Koobka Adduunka FIFA 2026 ayaa dhaliyay dhacdo taariikhi ah, kadib markii toddobo xul oo Carbeed ay xaqiijiyeen ka qaybgalka ciyaaraha kama dambaysta ah ee tartanka.

Xulalka Sucuudiga iyo Qatar ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee xaqiijiyay boosaskooda, taasoo tirada guud ee xulalka Carabta ee ka qeybgalaya tartanka ka dhigtay 7 dal — tiradii ugu badnayd abid ee hal mar ka qayb qaadata Koobka Adduunka.

Xulalka xaqiijiyay ka qaybgalka waa:
Jordan, Morocco, Tunisia, Masar, Algeria, Sucuudiga, iyo Qatar.

Xulka Jordan ayaa markii ugu horreysay taariikhdiisa u soo baxay Koobka Adduunka, halka Saudi Arabia ay u soo baxday markii toddobaad, iyo Qatar oo markeedii labaad ka qeybgalaysa.

Waxaa weli fursad u jirta xul sideedaad oo Carbeed, maadaama Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ciraaq ay ciyaarayaan laba kulan oo kala bax ah 13 iyo 18 November, si midkood u helo fursad uu ku aado isreeb-reebka caalamiga ah.

Kororka tirada xulalka ka qaybgalaya Koobka Adduunka oo laga dhigay 48 xul ayaa suuragal ka dhigay wakiilnimo ballaaran oo Carabta iyo qaarado kale ay ku yeeshaan tartanka sanadka 2026.