Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Amorim Oo Ku Baaqay In United Ay Soo Bandhigto Ciyaar Aan Hore Loo Arag Markay La Ciyaarayaan Liverpool!

Amorim Oo Ku Baaqay In United Ay Soo Bandhigto Ciyaar Aan Hore Loo Arag Markay La Ciyaarayaan Liverpool!

Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa ku dhiirrigeliyay kooxdiisa inay cashar ka bartaan guushii ay ka gaareen Sunderland, isla markaana  muujiyaan horumar cad marka ay Axadda la ciyaarayaan Liverpool.

Isagoo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay Carrington, Amorim ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda kulankan oo ah kii 100-aad ee labada kooxood ee taariikhda leh ay isku arkaan Premier League-ga, isagoo ku boorriyay ciyaartoydiisa inay muujiyaan awood ay kula tartamaan kooxaha waaweyn.

“Maalintii aan barbaro la galnay Liverpool, waan caddeynay in aan la tartami karno koox kasta,” ayuu yiri Amorim. “Laakiin waa inaan ka fiicnaanaa labadaba difaaca iyo weerarka si aan u helno natiijo dhab ah.”

Tababaraha reer Portugal ayaa qiray in xafiiltanka u dhexeeya labada koox uu yahay mid taariikhi ah, isagoo sheegay in Liverpool ay tahay koox u dagaallamaysa hanashada horyaalka halka United ay weli ku jirto marxalad dib-u-dhis ah.

“Mararka qaar hal koox ayaa wax walba ku guuleysata, halka tan kale ay waqti adag ku jirto,” ayuu raaciyay.

Amorim ayaa sheegay in diiradda uu saarayo caqabadaha dhow ee kooxda, isagoo xusay in ujeeddadiisu tahay in Manchester United ay si joogto ah u muujiso horumar ciyaar kasta oo ay ciyaaraan.