Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Madaxweyne Trump iyo Dhigiisa Putin oo kulankii labaad ku yeelanaya..

Madaxweyne Trump iyo Dhigiisa Putin oo kulankii labaad ku yeelanaya..

Madaxweyne Trump iyo dhigiisa Putin ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan mar kale magaalada Budapest ee dalka Hungary, si ay uga wada hadlaan dagaalka Ukraine, kaddib wada-hadal ay telefoon ku yeesheen, sida ay sheegtay Reuters.

Balse marka ay soo baxday in kulanka uu ka dhici karo Budapest, waxaa la is waydiiyay sidee halkaa ku tagi karaa Putin

Sababta la isku waydiiyay waa in Hungary aysan bad lahayn, haddii uu Putin isku dayo inuu duulimaad hawada ah ku tagana waxaa diidaya waddamada kale ee Yurub oo aan u oggolaan karin diyaaradda sida Putin inay adeegsato hawadooda, haddii wadahadallo loogu oggolaanayo aysan dhicin.

Serbia waa mid ka mid ah wadamada Yurub ee dhanka siyaasadda saaxiibka la ah Ruushka, waxaana suuragal ah inay ogolaato in diyaarad Ruush ah ama diyaarad la kiraysto oo ka timaada Ruushka ay ku degto Belgrade, kaddib Putin wuxuu adeegsan karaa tareen, oo qaadanaya masaafo 400 km ah , marka Belgrade oo caasimadda Serbia ah uu tareenka ka baxo oo uu tagayo caasimadda Hungary ee Budapest oo ah halka la qorsheynayo inuu kulanka ka dhaco.