Wasiirka Difaaca Pakistan oo ku Eedeeyay Afghanistan Inay Noqotay Wakiilka Hindiya
Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa si adag u weeraray dowladda Taliban ee Afghanistan, isagoo ku eedeeyay inay hadda u adeegayso danaha dalka Hindiya, isla markaana ay ka shaqeyneyso qorshayaal lid ku ah Pakistan.
Asif ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Islamabad, isagoo tilmaamay in hoggaamiyeyaasha Kabul ay “ka leexdeen walaaltinimadii iyo taageeradii” ay Pakistan mar siiyeen.
“Afghanistan waxay noqotay wakiil u adeegga danaha Hindiya. Hogaamiyeyaasha Kabul, kuwaas oo hadda noqday gacanta Hindiya isla markaana ka shaqeynaya shirqoolo ka dhan ah Pakistan, mar waxay ahaayeen walaallo dhulkeenna aan ku soo dhaweynay oo aan cid kasta ka ilaalinay, maantase way iska iloobeen intaa oo dhan,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.
Hadalkan ayaa imanaya xilli uu sii kordhayo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada dal deriska ah, kaddib markii Pakistan ay ku eedeysay kooxda Taliban inay taageerto kooxaha hubeysan ee weerarrada ka fulinaya gudaha Pakistan.
Dhanka kale, dowladda Afghanistan weli kama aysan jawaabin hadallada cusub ee kasoo yeeray Wasiirka Difaaca Pakistan.
Xiisaddan ayaa sii adkeyneysa xiriirka Islamabad iyo Kabul, kuwaas oo muddo dheer isku hayay arrimo la xiriira amniga xuduudda iyo taageerada kooxaha hubeysan ee gobolka.