Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Xildhibaano la socday oo loo diiday in ay maanta gaaraan Baydhabo
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in amar uu soo saarey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) maanta lagu joojiyay safar ay magaalada Baydhabo ku tegi lahaayeen wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Wafdiga oo ay ka mid yihiin ilaa toddobo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diiday in ay raacaan diyaarad u socotay caasimadda kumeelgaarka ah ee Koofur Galbeed.
Wafdiga uu hoggaaminayo Mursal ayaa qorsheynayay in ay Baydhabo u tagaan furitaanka xarunta Xisbiga Horumarinta & Midnimada Qaran, oo uu yahay guddoomiye ku xigeenkiisa, si ay uga qeyb qaataan howlaha la xiriira doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay dhacaan 30-ka November.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo wareysi siayay SMS tv ayaa hore uga digay in laga hor istaago safarkooda, tillaabadaasi oo ka hor imaaneysa xuquuqda siyaasadeed iyo xorriyadda hadalka ee Dastuurka dammaanad qaaday.
Wuxuu sidoo kale xusay in xisbigiisu uu si sharci ah u diiwaangashan yahay, isla markaana uu xuquuq la mid ah leeyahay xisbiga uu hoggaamiyo Laftagareen.
Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waday dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.