Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaalada KG oo ka socda Villa Somalia

Kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaalada KG oo ka socda Villa Somalia

Xaalad siyaasadeed oo cusub ayaa kasoo korortay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kaddib markii magaalada Baydhabo loo diiday in ay tagaan siyaasyiin caan ah oo kasoo jeeda Konfur Galbeed.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ku ah Madaxweyne Laftagareen , ayaa laga hor istaagay in ay tagaan magaalada Baydhabo, waxaana la baajiyay diyaarad magaaladaasi geyn laheyd.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u yeeray guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Mursan , Shariif Xasan Sheekh iyo xubno kale la socday labadan guddoomiye hore.

Madaxweyne Xasan , ayaana la sheegay in xubnahan kala hadlayo xaalada siyaasadeed ee kasoo kokortay  maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna Madaxweynaha xubnahan kala hadli doonaa sidii loo dejin lahaa xaalada loogana war sugi lahaa dhankiisa.

Laftagareen, ayaa la sheegay in uu kasoo horjeedo in Baydhabo kasoo degaan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah iyo kuwa damaca uga jiro kursigiisa, waxa uuna hadda sii lumiyay Madaxweyne Laftagareen kalsoonidii Villa Soomaaliya uu horey u aaminsanaa in kursiga ku sii heyn karaan.