Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Mikel Obi: Arsenal Waa Inay Ku Guuleysataa Horyaalka Premier League

Mikel Obi: Arsenal Waa Inay Ku Guuleysataa Horyaalka Premier League

Xiddigii hore ee Chelsea, John Mikel Obi, ayaa sheegay in Arsenal ay xilli ciyaareedkan khasab ku tahay inay ku guuleysato horyaalka Premier League, maadaama ay hadda yihiin kooxda ugu fiican Yurub.

Mikel Obi ayaa tilmaamay in Gunners ay muujinayso qaab ciyaareed heer sare ah, isla markaana ay dhibco badan kaga horreyso Manchester City iyo Liverpool.

Wuxuu sheegay in inkastoo ciyaartoy muhiim ah sida Odegaard iyo Gabriel Jesus ay dhaawac yihiin,

haddana Arsenal weli ay awood badan leedahay, taas oo caddeyn u ah in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay tahay tii ugu diyaarsan hanashada horyaalka.