Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Guardiola: Haaland Waxa Uu La Heer Yahay Ronaldo Iyo Messi.

Guardiola: Haaland Waxa Uu La Heer Yahay Ronaldo Iyo Messi.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in Erling Haaland uu hadda joogo isla heerka ay gaareen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Guardiola ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii Haaland uu labo gool dhaliyay kulankii ay City 3-1 kaga adkaatay Bournemouth Axaddii.

Guardiola ayaa ammaanay saameynta uu Haaland ku leeyahay ciyaaraha, isagoo sheegay in sida Messi iyo Ronaldo uu natiijada kulamada si weyn u saameeyo.

Wuxuu intaa ku daray in marka la eego tirada goolasha uu dhaliyay Haaland, uu shaki la’aan gaaray heerka tirooyinka rikoodhada cajiibka ah ee Messi iyo Ronaldo.