Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Shay Given: Chelsea Ma Leh Fursad ay Ku Guuleysan Karto Champions League

Shay Given: Chelsea Ma Leh Fursad ay Ku Guuleysan Karto Champions League

Ciyaaryahankii hore ee goolhayaha, Shay Given, ayaa sheegay in kooxda Chelsea aysan haysan wax fursad ah oo ay ku guuleysan karaan Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Qarabag habeenkii Arbacada ee ka dhacday magaalada Baku.

Chelsea ayaa hoggaanka qabatay qeybtii hore ee ciyaarta gool uu dhaliyay Estevão, balse nasiinada ayaa lagu aaday iyadoo Qarabag ay 2-1 ku hogaaminayso. Tababaraha Enzo Maresca ayaa qeybta labaad keenay Alejandro Garnacho, Liam Delap, iyo Enzo Fernández, waxaana Garnacho uu barbareeyay ciyaarta daqiiqaddii 53-aad.

Si kastaba ha ahaatee, Shay Given ayaa sheegay in Chelsea ay u muuqatay koox aan lahayn dadaal iyo difaac adag.

“Waxaan dareemay in Chelsea ay ciyaarayeen si aan firfircooni lahayn, iyagoo moodayay in guushu ay si fudud ku imaan doonto,” ayuu u sheegay TNT Sports.

Given ayaa intaas ku daray in inkastoo beddeladu keeneen isbeddel muuqda, haddana difaaca Chelsea uu ahaa mid daciif ah oo si sahlan looga dhex gudbay.

“Qarabag xitaa way heli kareen gool guul ah dhamaadkii ciyaarta. Taasi waa arrin walaac leh,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Shay Given ayaa ku soo gabagabeeyay hadalkiisa:

“Marka la eego qaab ciyaareedkooda caawa, ma arko wax fursad ah oo Chelsea ku qaadi karto Champions League.”