.Maamulka Gobolka Banaadir oo Beeniyay Eedeymo ku saabsan Qasab Lagu Diiwaangelinayo Shaqaalaha Ururrada Siyaasadeed
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku beeninayo eedeymo uga yimid Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), kuwaas oo sheegayay in shaqaalaha maamulka lagu qasbayo inay iska diiwaangeliyaan ururro siyaasadeed.
Maamulka ayaa caddeeyay in uusan wax lug ah ku lahayn arrintaas, isla markaana uu u taagan yahay ilaalinta madax-bannaanida iyo hufnaanta nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka.
“Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka u caddeynayaa in uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha ku saabsan in shaqaalaha Gobolka Banaadir lagu qasbayo inay iska diiwaangeliyaan ururro siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedkan ayaa imaanaya kaddib digniin uu hore u bixiyay Guddiga Doorashooyinka, oo sheegay in qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ay isku dayayaan inay si khasab ah ugu qasbaan dhalinyarada iyo shaqaalaha dawladda ee ku sugan Gobolka Banaadir inay ku biiraan ururradooda.