Madaxweyne Firdhiye oo Magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood
Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si waafaqsan qodobada 3aad iyo 72aad ee Dastuurka DW magacaabay Guddiga Nabadda iyo Wada xaajoodka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya
Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:
Mud. Saleebaan Cabdi Ducaale: Guddoomiye
Mud. Cabdalle Aadan Cabdi: Guddoomiye ku xigeen
Mud. Cabdi Sahal Maxamed Jaamac : Xoghayn
Mud. Cabdikariin Xasan Jaamac : Xubin
Mud. Jaamac Xasan Ibraahim : Xubin
Mud. Maxamuud Mire Kalce : Xubin
Mud. Cabdalle Axmed Maxamed : Xubin
Madaxweynaha ayaa xubnaha ugu duceeyay in Illaahay u fududeeyo masuuliyadda uu igmaday oo ah ka shaqaynta Nabadda iyo wadaxaajoodyada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.