Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Diyaarad uu leeyahay Militariga Turkiga oo ku burburtay Xadka u dhaxeeya Georgia & Azerbaijan

Diyaarad uu leeyahay Militariga Turkiga oo ku burburtay Xadka u dhaxeeya Georgia & Azerbaijan

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Turkiga ayaa sheegay in diyaarad Militari oo nooceedu yahay C-130 oo ah kuwa Xamuulka Ciidanka qaada in ay ku burburtay Xadka u dhaxeeya Dalalka Georgia iyo Azerbaijan kaddib markii muddo kooban xiriirkeeda la waayay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray ehelka Dadka dhintay, waxa uu sheegay in diyaaradda sababta keentay cilladdeeda ahayd in ay ka luntay raadaarka sidaasina ku dhacday sida uu hadalka u dhigay.

Erdogan ayaa geesiyaal qaranka Turkiga usoo halgamay ku tilmaamay saraakiishii la socday Diyaaraddaan oo kamid ah kuwa xamuulka Militariga qaada ee dalkaas leeyahay oo maraysay xadka Georgia iyo Azerbaijan.


Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in diyaaraddaan ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda, waxaa la helay burburka qurub kamid ah diyaaradda iyada oo baaritaan kale oo dheeraad ah lagu samayn doonno sida hadalka loo dhigay.