Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay Qasriga Al-Muradiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya, Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo weli ku guda jira maalintii labaad ee booqashadiisa rasmiga ah ee dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Al-Muradiya, halkaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada Aljeeriya ay siiyeen salaan sharaf, iyadoo labada dalna lagu maamuusay calammadooda qaranka.

Kadib soo dhaweyn rasmi ah, labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray xiriirka labada waddan.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Aljeeriya ayaa si wadajir ah u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen wafdiyada labada dal.

Wada-xaajoodka ayaa ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Aljeeriya sida diirran ee loo soo dhaweeyay, isaga oo tilmaamay in booqashadani ay muujin u tahay kobaca xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ammaanay horumarka iyo dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan xasillinta iyo dib u dhiska dalka, isagoo xaqiijiyay in Aljeeriya ay ka go’antahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.