Robbie Fowler Oo Sheegay In Liverpool Ay Si Dhab Ah U Tabayso Luis Díaz
Halyeeyga Liverpool Robbie Fowler ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in Liverpool ay si weyn u dareemeyso maqnaanshaha Luis Díaz, kaas oo ay xagaagii ku wareejiyeen Bayern Munich lacag dhan £65 milyan kadib saddex sano oo uu ka tirsanaa Reds.
Liverpool ayaa xagaagii sameysay isbeddello waaweyn oo ay ku lumisay dhowr xiddig oo muhiim ah, halka ay in ka badan £450 milyan ku qarashgareysay ciyaartoy cusub. Si kastaba, kooxda ayaa si liidata ku bilaabatay xilli ciyaareedka, iyadoo 5 jeer laga adkaaday 11-kii kulan ee hore.
Fowler ayaa sheegay in dhibaatooyinka weerarka Liverpool ay ka muuqdaan hoos u dhaca Mohamed Salah iyo bilowga gaabiska ah ee Wirtz iyo Isak, balse uu aaminsan yahay in sababta ugu weyn ay tahay bixitaankii Diaz oo ahaa ciyaaryahan awood u leh jebinta difaacyada adag.
Fowler wuxuu tilmaamay inuu la yaaban yahay sababta aan si weyn loo hadal hayn muhiimadda uu Diaz u lahaa kooxda, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Reds “si dhab ah u tabayaan” maadaama uu ahaa mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa Liverpool xilli ciyaareedkii hore.