Tuesday, July 28, 2026
HomeWARARKAXoghayaha JSP “Xisbiga waxa uu leeyahay nidaam hoosaad oo lagu kala saari...

Xoghayaha JSP “Xisbiga waxa uu leeyahay nidaam hoosaad oo lagu kala saari doonno Musharrixiinta”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Xoghayaha Xisbiga Caddaladda iyo Wadajirka ee loosoo gaabiyo JSP ayaa sheegay in Musharrixiinta Xisbigaas lagu kala saarayo xeer hoosaadka u yaalla.

Waxa uu intaas ku daray in Xisbiga Caddaaladda iyo wadajirka ee JSP uu leeyahay xeer hoosaad lagu qeexay wax weliba oo hoostagayaan shaacinta musharraxa metalaya iyada oo si toos ah loosoo bandhigayo loolankaas iyo cidda libinta hesha.

“Xisbiga waxa uu leeyahay nidaam hoosaad waana lagu kala saarayaa Musharrixiinta, waana la idinka wici doonnaa, Dalka Doorasho qof iyo cod ayuu aaday, Guddoomiye Madaale tabashooyinka uu qabo Nidaamka Xisbiga ayaa si toos ah loo marin doonnaa waana ka war heleysaan” Sidaasi waxaa yiri, Xoghayaha JSP Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Axsaabta iyo Ururrada Siyaasadda ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaargaroobaan Doorashooyinka Qof iyo codka ah ee dadka codaynaya kaararkooda bixintooda maanta laga billaabay 7 Degmo oo katirsan Gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments