Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Soomaaliya oo ka mid noqonaysa Ururka Dayax-gacmeedka Guur-guura iyo Horumarinta Dekedaha !!

Soomaaliya oo ka mid noqonaysa Ururka Dayax-gacmeedka Guur-guura iyo Horumarinta Dekedaha !!

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyaga oo ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dalka.

Kulanka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ku saabsan ammaanka guud ee dalka, horumarinta ka qaybgalka haweenka, iyo xaaladaha abaaraha.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey:

Heshiis Is-afgarad Soomaaliya–Rwanda – heshiiskan ayaa xoojinaya iskaashiga guud ee labada dal.
Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga – sharcigan ayaa ilaalinaya xuquuqda haweenka loona hortagayo tacaddiyada loo geysto.
Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga – qayb ka ah dadaallada Xukuumadda ee horumarinta ka qaybgalka haweenka ee hormarka dalka.
Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura – Soomaaliya ayaa hadda ka mid noqon doonta wadamada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.
Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha – qorshe istiraatiiji ah oo horumarineed oo lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada dekedaha dalka.
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta gurmadka abaaraha iyo qorshaha dowladda ee wax ka qabashada xaaladda, iyadoo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray hay’adaha dowladda ee arrintan ku shaqada leh in si deg-deg ah loo gaarsiiyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, si loo yareeyo saameynta musiibada oo ka jirta dalka.