Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Iman Karto Tottenham
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa derby-ga Waqooyiga London ee Tottenham, iyadoo ay weli jiraan dhaawacyo badan oo saameyn ku yeeshay kooxda. Difaaca Riccardo Calafiori ayaa wajahay tijaabo caafimaad goor dambe, kaddib markii uu seegay tababarradii toddobaadkan iyo labada kulan ee Italy.
Arteta ayaa rajeynaya inuu taam noqdo, maadaama Gabriel Magalhães uu dhaawac kaga maqnaanayo kulankan. Waxaa lagu wadaa in midkood Cristhian Mosquera ama Piero Hincapié ay buuxiyaan booska Gabriel.
Stars-ka Gabriel Jesus, Kai Havertz, Martin Ødegaard, iyo Noni Madueke ayaa dhaawacyo uga maqnaa garoomada, halka Martinelli iyo Gyökeres ay weli la tacaalayaan dhaawacyo muruqa ah.
Shaxda macquulka ah ee Arsenal ka hor imaan karto Tottenham
Raya; Timber, Saliba, Hincapié, Calafiori;
Eze, Zubimendi, Rice;
Saka, Merino, Trossard.
Shaxdan ayaa muujineysa isku-darka difaac adkeysi leh iyo weerar degdeg ah oo ay Gunners ku baadi-goobayso guul muhiim ah derby-ga.