Wasiirka Gaashaandhigga oo Daahfuray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda Difaaca
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin sare iyo howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Isagoo khudbad jeedinayay, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in xaruntan cusub ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay kor u qaadi doonto awoodaha luqadeed ee shaqaalaha iyo ciidamada loo diraayo tababarrada caalamiga ah. Waxa uu xarunta ku tilmaamay buundo muhiim ah oo Soomaaliya ka caawinaysa inay si xirfad leh ula falgasho bulshada caalamka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in xaruntan loo aas-aasay si loo horumariyo xirfadaha luqadaha iyo adeegyada tarjumaadda ee shaqaalaha Wasaaradda iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u daboolaan baahiyaha luqadeed ee hawlaha Wasaaradda, Ciidamada, iyo howl-gallada amniga dalka.
Ugu dambayn, Wasiir Fiqi wuxuu ku dhiirrigeliyay shaqaalaha inay ka faa’iideystaan fursaddan cusub, ayna sii kobciyaan aqoonta iyo xirfadaha luqadaha, si ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee shaqadooda ka saaran.