Thierry Henry Oo Fariin Adag U Diray Arsenal Ku Saabsan Hanashada Horyaalka
Halyeeyga Arsenal iyo xulka Faransiiska, Thierry Henry, ayaa fariin dhiirigelin iyo digniin isugu jirta u diray ciyaartoyda Arsenal, isagoo ku boorriyay inay “daacad” ka noqdaan fursadahooda hanashada Premier League.
Henry, oo ka hadlayay Sky Sports kadib guushii 4-1 ay Arsenal Axaddii kaga adkaatay Tottenham, ayaa sheegay in kooxda aysan mar dambe u baahnayn inay ku dhuuntaan erayga “process-ka,” balse ay tahay inay muujiyaan dabeecadda koox u tartamaysa hanashada horyaalka.
Henry ayaa yiri: “Mar ayaad qirataa oo aad aqbashaa. Dadku waxay ka hadlayaan hanaanka. Hanaanku wuu socdaa, laakiin waa inaad daacad noqotaa.”
Wuxuu xusay in Arsenal ay muujisay awood ballaaran xitaa iyadoo ay maqnaayeen qaar ka mid ah ciyaartoy muhiim ah, taas oo caddeyn u ah tayada kooxda.
Halyeeygu wuxuu ku booriyay Arsenal inay u dhaqmaan sida koox run ahaantii loo saadaalinayo hanashada horyaalka, inkastoo uusan si cad u sheegay inay qaadi doonaan.
Guushan kadib, Arsenal ayaa muujisay tartan buuxa oo ay ugu jirto hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.