Wasiirka Caafimaadka Kenya oo ka digay ‘dhaqamada ciyaal-xamarka’ ee kusoo batay gudaha Nairobi
Magaalada Nairobi ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa si weyn uga jiray hadal-hayn la xiriirta dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay ku dhaqmayaan falal khatar ah oo ay ka mid yihiin duubista muuqaallo aan habboonayn iyo gelitaanka goobo aan amni ahayn. Arrintan ayaa keentay in dowladda Kenya si rasmi ah uga hadasho.
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre, oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay in dowladdu aysan aqbalayn dhaqamada uu ku tilmaamay “ciyaal-xamarnimo” ee ay qaarkood kusoo bandhigayaan gudaha Nairobi.
Wasiirku waxa uu sheegay in muuqaalada lagu arkay dhalinyaro calanka Kenya ku taagan iyo kuwo galay jidad hoose oo khatar ah ay keeneen walaac amni, isla markaana ay jiraan laba qof oo ku dhintay duruufo la xiriira halista ay galeen.
“Magaalada Nairobi waxa dhibaya ciyaal ka yimi Xamar oo ilaa calanka Kenya ku istaagtay. Ma oggolaanayno dhaqamada noocaas ah. Dowladdu tallaabo ayey ka qaadaysaa.
Meel kasta ayey duubayaan, jidadka hoose ayey galayaan oo aysan weligood arag—halis bay galaan, labo qofna waa dhimatay,” ayuu yiri Wasiir Aadan Barre.
Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in la qaadi doono talaabooyin lagu ilaalinayo amniga magaalada, laguna xakameynayo dadka ku xad-gudba sharciyada ama sameeya falal khatar gelinaya naftooda ama bulshada dhexdeeda.
Warbixin dheeri ah ayaa la filayaa in ay soo saaraan laamaha amniga Kenya, iyadoo arrintani ay si weyn u hadal-hayso baraha bulshada ee labada dal.