Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Shirkii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Kusoo Dhamaaday Villa Soomaaliya

Shirkii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Kusoo Dhamaaday Villa Soomaaliya

Muqdisho – Shirkii u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw kusoo dhamaaday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo ku dhow kulanka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxda ka garaabay qaladaad ka dhacay xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kuwaas oo si weyn u dhaawacay kalsoonida Madaxweynayaasha Laftagareen, Guudlaawe, iyo Qoorqoor.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu labada maalmood ee soo socda u safro magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu ku yeelan doono kulamo diblomaasiyadeed. Marka uu soo laabto, waxaa la qorsheynayaa in kulankii caawa uu sii socdo, iyadoo la rabo in la gaaro faham dheeri ah oo ku saabsan wadashaqeynta dhinacyada.

Inta uu socdo safarka Madaxweynaha, madaxda saddexda maamul-goboleed ayaa Muqdisho sii joogi doona, iyagoo yeelan doona shirar gaar ah oo ay isku weydaarsanayaan aragtida iyo talooyinka ku saabsan xasilinta xiriirka siyaasadeed.