Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Af-gambi ka dhacay dalka Benin, militariga oo sheegay inay xukunka ka tureen Madaxweyne Patrice Talon

Af-gambi ka dhacay dalka Benin, militariga oo sheegay inay xukunka ka tureen Madaxweyne Patrice Talon

Af-gambi ayaa ka socda dalka Benin ee galbeedka Afrika, kaddib markii ciidamada millaterigu ay telefishinka qaranka ka ku dhawaaqeen in ay xukunka ka tuureen Madaxweyne Patrice Talon, islamarkaana ay la wareegeen talada dalka.

Benin waxaa lagu waday in doorasho madaxtinimo ay dhacdo bisha Abriil 2026, marka uu dhammaado muddo-xileedka Talon. Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuusan isku soo sharrixi doonin mar saddexaad, wuxuuna magacaabay qofka uu doonayo inuu kusii beddelo.

Afgambigan ayaa yimid maalmo yar kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynaha Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embaló, oo ah dal daris la ah Benin.

Sannadihii u dambeeyay, Galbeedka Afrika waxaa kusoo badanayay afgambiyada, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in amniga gobolka uu mar kale xumaado.