Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Artan oo Ka Mid Noqday Garsoorayaasha Afrika ee Looga Yimid Koobka Adduunka 2026

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Artan oo Ka Mid Noqday Garsoorayaasha Afrika ee Looga Yimid Koobka Adduunka 2026

Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Artan, ayaa lagu daray liiska kama dambaysta ah ee garsoorayaasha Afrika ee loo xulay Koobka Adduunka FIFA 2026, kaas oo ka dhici doona dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada.

Artan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya qaaradda Afrika, ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona diyaar-garowga kama dambaysta ah ee garsoorayaasha, kaas oo lagu qabanayo waddanka Qatar.

Wasaaradda iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, islamarkaana kor u qaadaysa muuqaalka garsoorka Soomaaliyeed ee heerarka caalamiga ah.