Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo Ansixiyay Ajendaha Kulamada Todobaadka Soo Socda
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Guddiga Joogtada, kaas oo qeyb ka ah kalfadhiga 7-aad, kulankiisii 13-aad ee caadiga ahaa.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa ajandeynta iyo jadwaleynta kulamada guud ee golaha ee toddobaadka soo socda. Guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha Shacabka ayaa mid mid looga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda gacanta ku hayaan, habraacyada ka dhiman, iyo waqtiga la filayo in loo gudbiyo Goleweynaha.
Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ansixiyey ajendayaasha kulamada guud ee Golaha ee toddobaadka soo socda. Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray, ayaa kula dardaarmay guddiyada in ay dardar geliyaan shaqada shuruucda u yaalla si waafaqsan jadwalka golaha.