Waa Sidee Miiska Kala Sarreynta Champions League Kadib Kulamadii Wareega Lixaad?
Arsenal ayaa sii haysa hoggaanka Champions League-ga kadib markii ay 3–0 ku garaaceen Club Brugge habeenkii Arbacada, taasoo ka dhigtay inay ku dhammeystaan wareega group yada iyaga oo aan hal guuldarro la kulmin.
Gunners-ku waxay ciyaarta si buuxda u maamuleen iyagoo Belgium joogay, waxaana labo gool u dhaliyay Noni Madueke oo hogaanka u furay kooxda.
Gabriel Martinelli ayaa markale saxiixay gool qurux badan oo leexleexad leh, isaga oo sii wadanaya rikoodhkiisa ah inuu dhaliyo gool kulan kasta oo tartankan ah.
Guushan ayaa xaqiijisay in Arsenal ay dhammaan ciyaarihii Group yada ku soo baxdo guul, halka Bayern Munich ay booska labaad dib u qabsatay kaddib 3–1 ay kaga badiyeen Sporting. Paris Saint-Germain ayaa hoos ugu dhacday kaalinta saddexaad kadib barbaro 0–0 ah oo ay la galeen Athletic Bilbao, inkasta oo ay weli haystaan 13 dhibcood isla markaana ay dhibcaha kala siman yihiin Manchester City iyo Atalanta.
Siddeeda koox ee ugu sarreysa, kuwaas oo si toos ah ugu gudbaya wareegga xiga, waxaa buuxiya Inter Milan, Real Madrid iyo Atletico Madrid. Afarta koox ee ugu hooseeya waxa ay kala yihiin; Slavia Prague, Ajax, Villarreal iyo Kairat Almaty.