Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO DR. MUUNGAAB OO LA KULMAY MAS’UULKII XAFIISKA UGA HORREEYAY EE MAXAMED AMIIR

GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO DR. MUUNGAAB OO LA KULMAY MAS’UULKII XAFIISKA UGA HORREEYAY EE MAXAMED AMIIR

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyihii xafiiska uga horreeyay, Mudane Maxamed Axmed Amiir.


Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowlad-dhiska, is-weydaarsiga aragtiyaha ku aaddan horumarinta Caasimadda Muqdisho, doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir iyo kor-u-qaadidda wadashaqeynta ku saleysan danaha guud ee bulshada.


Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadatashiga, si loo xoojiyo isku-duwidda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, maamul-wanaagga, iyo xasilloonida caasimadda.


Kulanka waxaa sidoo kale ku wehlinayay Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kaas oo door ka qaatay dhiirrigelinta aragti-wadaagga iyo wadashaqeynta ku dhisan mas’uuliyad wadaag iyo midnimo qaran.


Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay sida Maamulka Gobolka Banaadir ay uga go’an tahay talo-wadaagga, si loo dardargeliyo geeddi-socodka horumarineed iyo dowlad-dhisidda dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha muwaadiniinta.