Diyaaradaha mara hawada Somalia “Halis ayay galayaan” hadii aan la ii ogolaan lacag sharci daro ah-Mareeyaha SCAA.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u dejisay go’aan cad oo lagu xakameynayo musuq-maasuqa, kaas oo faraya in dhammaan dakhliga dalka soo gala lagu shubo hal akoon oo ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda.
Go’aankan waxaa ujeedkiisu yahay in la xaqiijiyo isla xisaabtan, hufnaan, iyo in la joojiyo ku-talla-galka sharci-darrada ah ee dakhliga qaranka.
Hadaba tallaabadaas ayaa si bareer ah looga leexday kadib markii la ogaaday in Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA, Axmed Macallin Xasan, uu sameystay akoon gaar ah oo si toos ah loogu shubo dhammaan dakhliga ka soo xarooda hawada Soomaaliya, isaga oo diiday in lacagta lagu shubo akoonka Wasaaradda Maaliyadda sida uu sharcigu qabo.
Arrintan ayaa dhalisay tuhun xooggan oo la xiriira musuq-maasuq iyo isku day lagu xalaaleysanayo lacag sharci-darro ah, maadaama akoon gaar ah oo hay’ad dowladeed ay maamusho uusan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana uusan hoos imaan nidaamka isla xisaabtanka qaranka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ficilkan uu furayo albaab musuq, isla markaana uu suurtagelinayo in dakhliga qaranka si aan la hubin loo maamulo, loona leexiyo. Lacagta oo malaayiin ah ayaa ku dhacda akoon uu maamulo Axmed Macalin Xasan.
Intii uu socday baaritaanka gudiga maaliyada Baarlamaanka, maareeyuhu wuxuu isku dayay inuu ficilkiisa u fasirto mid daruuri ah, isaga oo ku doodaya in hay’addu u baahan tahay lacag degdeg ah marka qalab duulimaad uu cilad galo.
Si kastaba, Baarlamaanka ayaa dooddaas ku tilmaamay mid lagu xalaaleysanayo ku xadgudub sharci, iyaga oo xusay in sharcigu oggol yahay lacag-bixin degdeg ah balse uusan marna oggolaan karin in dakhliga qaranka lagu shubo akoon leexsan oo aan la xisaabtamin.
Xildhibaanada ayaa carrabka ku adkeeyay in ku dooda khatar amni iyo baahi farsamo aysan marmarsiiyo u noqon karin jebinta sharciga maaliyadda dalka, isla markaana ay tani ka dhigan tahay in la doonayo in la sharciyeeyo lacag si aan waafaqsanayn nidaamka dowladda loo maamulay.
Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn qaaday tallaabo adag, iyagoo si rasmi ah ugu amray in la tirtiro dhammaan akoonnada sharci-darrada ah ee hay’adda duulista, lana hubiyo in dhammaan dakhliga hawada Soomaaliya si buuxda loogu shubo akoonka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddigu wuxuu caddeeyay in mas’uul kasta oo ku lug yeesha jebinta nidaamka dakhliga qaranka lala xisaabtami doono.
Arrintan ayaa muujinaysa halista ay ku jiraan ilaha kooban ee dakhliga dalka, gaar ahaan dakhliga hawada oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha qaranka.
Khubarada maaliyadda ayaa ka digay in haddii ficilladan aan si degdeg ah loo joojin, ay si toos ah u wiiqi doonaan dadaallada dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee la dagaallanka musuq-maasuqa iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan.