RASMI: 2 Xul Oo U Gudbay Wareega 16-ka Ee Koobka Qaramada Africa.
Markii uu dhammaaday habeenkii Sabtida, laba dal ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika 2025 oo haatan socda.
Labada xulba waxay badiyeen labadii kulan ee ugu horreeyay ee heerka group-yada, taasoo u oggolaatay inay si degdeg ah ugu gudbaan wareegga xiga ee tartanka.
Xulka Masar ayaa Jimcihii 1-0 kaga adkaaday Koonfur Afrika, inkastoo ay ciyaarta ku dhameysteen 10 ciyaaryahan kaddib markii xiddig katirsan kaar cas la siiyay qeybtii hore. Kulankoodii ugu horreeyayna Masar waxay 2-1 ku garaaceen Zimbabwe.
Dhanka Group C-ga, Nayjeeriya ayaa si adag 3-2 ugu adkaatay Tunisia, kulan lagu go’aaminayay hoggaanka group-ka.
Victor Osimhen, Wilfred Ndidi iyo Ademola Lookman ayaa dhamaantood dhaliyay goolal, taasoo u sahashay kooxda uu hogaamiyo Eric Chelle inay helaan hoggaan saddex gool ah.
Si kastaba ha ahaatee, xulka Tunisia (Carthage Eagles) ayaa soo laabtay, kaddib markii Montassar Talbi uu dhaliyay gool madax ah halka Ali Abdi uu rigoore ku daray, balse taasi kuma filnaan inay ka fogaadaan guuldarro.