Wasiir Fiqi: “Kala bar shacabka Somaliland waxay taageersan yihiin Dowladda Federaalka”
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in aysan jirin Somaliland si guud u wada doonaysa goonni-u-goosad, isagoo xusay in kala bar dadka ku nool deegaanada Somaliland ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Jazeera, ayaa carrabka ku adkeeyay in waxa loogu yeero goosashada ay ku kooban tahay kooxo gaar ah oo ku sugan gobollada Waqooyi-galbeed, halka shacabka intiisa badan, sida uu sheegay, aysan raacsaneyn aragtida goonni-u-goosadka.
“Qiyaastii 50% dadka Somaliland waxay ku soo biireen Dowladda Federaalka ah. Goonni-u-goosadku ma aha rabitaanka guud ee shacabka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in dadka ku nool gobolladaasi ay yihiin dad horey ugu soo halgamay xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan aqbalayn kala go’ dalka ah.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay dood xooggan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee gobollada waqooyi iyo xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.