Afhayeenka Eric Trump: Ma Jirin Kulan Gaar ah oo Dhexmaray Eric Trump iyo Madaxweynaha Somaliland
Afhayeen u hadlay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu ka qaybgalay casho-sharaf isla markaana uu sawir la galay Eric Trump.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu beeniyay in labada nin ay yeesheen kulan gaar ah, isagoo xusay in qolka ay ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.
“Marna Eric Trump kulan lama yeelan Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena marna kama wada hadlin arrin la xiriirta deked,” ayay tiri Kimberly Benza bayaan ay soo saartay.
Benza waxay intaa ku dartay in Eric Trump uusan wax falcelin ah ka bixin, isla markaana uusan ka hadlin khudbaddii Madaxweynaha Somaliland. Markii wax laga weydiiyay wada-hadallo dhinac ah, waxay tiri: “Salaan iyo is-xushmad uun baa la is dhaafsaday, halkaas ayay ku ekaayeen.”