Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirkii 27aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Geeska Afrika oo ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirkii 27aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Geeska Afrika oo ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fiidnimadii Talaadada si rasmi ah u soo xiray Shirkii 27aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Madasha Hindisaha Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo masuuliyiinta sare ee dalalka xubnaha ka ah doorkii ay ka qaateen xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka, dhiirrigelinta is-weydaarsiga waayo-aragnimada, iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in martigelinta shir heer gobol ah oo baaxaddan leh ay muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalka.

Waxa uu xusay in guddoomiyenimada haatan ee Soomaaliya u hayso madashan ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta danaha dhaqaale ee wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.