Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxay kawada hadlayaan Madaxda Soomaaliya, Jabuuti & Itoobiya ee Jigjiga ku kulmaya?

Maxay kawada hadlayaan Madaxda Soomaaliya, Jabuuti & Itoobiya ee Jigjiga ku kulmaya?

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed & Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan waxa uu diiradda saarayaa sidii dalalkaan deriska la ah Soomaaliya ay markale u shaacin lahaayeen in ay dhinac taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana dhiidhinayaan faragelinta Israa’iil ay ku samaysay.

Jabuuti iyo Itoobiya oo horay u wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay u muujiyeen garab istaag xooggan si uu uga hortago faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya oo halis amni iyo mid dhaqaale ku yeelanaysa dalalka Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan ka heshay dalal badan oo caalamka ah, waxa ay taasi suuragelisay in ay hoos u dhacaan dedaalladii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ku bixinaysay faragelinta iyo kala qaybinta Dalka.