Theo Walcott Oo Ka Hadlay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guuldaradii Man United.
Theo Walcott, oo ah xiddig hore oo Arsenal ah, ayaa sheegay inuu weli ku kalsoon yahay in Arsenal ay ku guuleysan karto Premier League, inkasta oo hoos u dhac yar ku yimid natiijooyinkooda kadib guuldarrooyinkii ay kala kulmeen Liverpool, Nottingham Forest iyo Manchester United.
Wuxuu tilmaamay in Arsenal ay kaliya guuldarreysatay saddex kulan xilli-ciyaareedkan, taasoo aan ahayn arrin weyn, isla markaana aysan jirin sabab ay taageerayaashu uga walwalaan.
Walcott wuxuu xusay in koox kasta ay la kulanto waqti adag inta lagu jiro xilli-ciyaareedka, ayna tani tahay xaalad caadi ah.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadiska sii kordhaya uu ugu dambeyn saameyn togan ku yeelan doono ciyaartoyda Arsenal, isagoo ku boorriyay taageerayaasha inay ku kalsoonaadaan kooxda iyo jihada ay ku socoto.