Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynaha Ghana oo soo jeediyay in Afrika yeelato lacag u gaar ah

Madaxweynaha Ghana oo soo jeediyay in Afrika yeelato lacag u gaar ah

Madaxweynaha dalka Ghana, John Mahama, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika inay si degdeg ah u hirgeliyaan nidaam lacageed oo ay wadaagaan dalalka Afrika, si kor loogu qaado is-dhexgalka dhaqaale ee qaaradda.

Isagoo ka hadlayay Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa, Madaxweyne Mahama ayaa carrabka ku adkeeyay in Afrika aysan marnaba gaari karin horumar iyo is-dhexgal dhaqaale oo buuxa inta ay ku tiirsan tahay lacagaha qalaad, gaar ahaan doollarka, marka ay ka dhex ganacsanayaan gudaha qaaradda.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in dalalka Afrika ay tahay inay dhexdooda ku ganacsadaan lacagahooda maxaliga ah.

“Ma xaqiijin karno is-dhexgal dhaqaale haddii aan weli u xirannahay lacago qalaad si aan isugu iibino badeecadaheena. Waa inaan dhisnaa nidaam u gaar ah Afrika oo noo sahlaya inaan ku ganacsano lacagteena,” ayuu yiri Madaxweyne Mahama.

Sidoo kale, Mahama wuxuu sheegay in nidaamkan cusub uu laf-dhabar u noqon doono xoojinta Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la abuuro suuq weyn oo ay ku midaysan yihiin dhammaan dalalka Afrika.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli qaaradda Afrika ay raadinayso loolan ay kaga baxayso caqabadaha dhaqaale iyo tartanka u dhaxeeya dalalka reer Galbeedka iyo Shiinaha.