Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Maalik Xaashi oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biiray Kooxda Arsenal

Maalik Xaashi oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biiray Kooxda Arsenal

Ciyaaryahanka da’da yar ee lagu magacaabo Maalik Xaashi waxa uu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee ku biira Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal, waxa uu si rasmi ah ugu biirayaa Naadiga da’ ahaan ka yar 18ka sano maadaama uu yahay 17 jir.

Maalik waxa uu ku dhashay Dalka Ingiriiska, waxaa sooyaalkiisa ku jira in waalidkiisa ay kasoo jeedaan Soomaaliya, xogta laguma caddayn in Labadiisa waalid ay yihiin Soomaali iyo in Aabihiis Xaashi keliya uu yahay Soomaali.

Laacibnkaan waxa uu ka dheelaa booska Khadka Dhexe oo muhiim u ah isku xirka Daafacyada, Garbaha iyo weerarka, waa meesha shaqada ugu badan ee Garoonka ka dhacdo waana halka lagu kala xusho ciyaartoyda muhiimadda ay leeyihiin.

Isaga oo ay wehliyaan qoyskiisa ayuu xarunta Tababarka ee Sobha Realty waxa uu ku sharaxay in uu aad ugu faraxsan yahay ku biirista Kooxda Gunners, waxaana uu rajeeyay in tani ay u hoggaamin doonto in uu usoo dalaco naadiga qaybta waa weyn.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan heshiiskaan saxiixo, waa waqti sharaf leh, aniga iyo qoysgaygaba waan ku faraxsanahay oo maalin weliba iga caawiyo sidii aan horumar uga samayn lahaa kubadda cagta” Ayuu yiri Maalik Xaashi.

Waxaa jira liis ciyaartoy asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse dhalasho ka qaatay Dalal kala duwan oo Yurub ah kuwaas oo ku biiray Kooxo kala duwan oo horyaalka Dalkaas ka ciyaara, inkasta oo muddo kaddib la waayo iyada oo aan la ogayn sababta arrintaas ka dambaysa.