Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in la dilay saraakiil ‘AS’ u qaabilsanayd qaadista Sakawaatka
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in Laamaha ammaanka ay xoogga saareen la dagaalanka ‘AS’ iyada oo dhinac kala duwan oo adeegsaday dagaalkaas.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay in Isbaddel Amni uu buuxa uu ka jiro Magaalada Muqdisho isla markaana ku yimid iskaalamaysi dhexmartay Laamaha ammaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uu bogaadiyay in lasii xoojiyo.
Fartaag ayaa dadka Ganacsatada ah ee lacagaha siiya ‘AS’ uga digay arrintaas, waxa amar buuxa siiyay ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka kaas oo la xiriira in ay soo qabtaan cid weliba oo kahor imaata amarkaan sida uu hadalka u dhigay.
“Ganacsadihii lagu helo in uu weli Nimankii iyaga ahaa ee Khawaariijta u gaynayo waxa ay ku sheegaan Sakawaatka waxaa lagu qabanayaa gacan adag, waxaana ciidamada ammaanka faraynaa in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Waxa uu shaaciyay magacyada saddex xubnood oo goobo kala duwan lagu dilay kaddib markii lagu beegsaday howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waxaana uu ku eedeeyay in ay dadka handadayeen si ay uga qaadaan dhaqaalaha ay ka doonayaan sida uu yiri
“Todobaadyadii u dambeeyay waxaa la dilay horjoogayaal qaabilsanaa cagajuglaynta Dadka Soomaaliyeed ee baadda laga qaadayay, waxaana kamid ah Cabdullaahi Wadaad, Maxamed Dhubad Xiddig & Maxamed Sahal Iidle oo la beegsaday” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Amniga XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay in uu weli socdo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish ee ka kooban saddexda dhinac ee kala ah dagaalka Militariga, kan fikirka & dhaqaalaha sida ay hadalka u dhigtay.