Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Saldhig Sirdoonka Maraykanka ku leeyahay Sacuudiga oo la beegsaday

Saldhig Sirdoonka Maraykanka ku leeyahay Sacuudiga oo la beegsaday

Saldhig ay leedahay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee (CIA) kuna yaalla Sacuudiga ayay Dowladda Iiraan ku beegsatay labo Diyaarad oo nooca Duulliye la’aanta ah (Drones) waxaana soo gaaray burbur xooggan sida xogaha muujinayaan.

Xeendaabka Safaaradda Maraykanka ee Riyaad ayuu ku dhex yaallay Saldhiggaan oo si qarsoodi ah uga shaqaynayay halkaas, sirdoonka Iiraan oo helay xogtiisa ayaa ku beegsatay labo Diyaarad oo kuwa aan dadka raacin ah oo isku qarxisay.

Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa xaqiijiyay weerarka Saldhiggaan inkasta oo ay hoos u dhigeen khasaaraha ka dhashay, waxa ay qireen in burbur xooggan uu soo gaaray dhismaha iyo qalabkii halkaas yaallay oo aan faahfaahin dhammaystiran laga bixin.

Wargayska Washington Post oo sheekadaan markii hore bannaanka soo dhigay ayaa sheegay in uu jiro khasaara naf oo Dowladda Maraykanka ay afkeeda ka dhowreyso in ay ku sheegto sabab la xiriira xogta qaranka awgeed iyo in aysan niyad jabin dadka dalkaas.