Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Merson Oo Sheegay In Todobaadkan Lagu Kala Bixi Karo Horyaalka

Merson Oo Sheegay In Todobaadkan Lagu Kala Bixi Karo Horyaalka

Halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa sheegay in tartanka Premier League laga yaabo in lagu kala baxo toddobaadkan haddii natiijooyinka qaar dhacaan.

Merson ayaa saadaaliyay in Arsenal oo hogaanka ku haysa horyaalka ay guul ka gaari doonto Everton kulanka ka dhici doona Emirates Stadium. Wuxuu filayaa in Arsenal si dirqi ah ku badiso 2–1.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in haddii Manchester City ay dhibco ku lumiso kulanka ay la ciyaareyso West Ham United, ay si rasmi ah u dhammaan karto rajada ay City ka qabto hanashada horyaalka.

Merson ayaa xusay in West Ham ay waayadan dambe soo fiicnaadeen, taasoo ka dhigi karta kulanka mid aad ugu adag Manchester City.

Haddii Arsenal guuleysato isla markaana City dhibco lumiso, wuxuu aaminsan yahay in horyaalka si weyn ugu dhowaan doono kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta.