Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

DG Koofur Galbeed oo ka hadashay Dad maalintii labaad ku kala xayiran Muqdisho & Baydhabo

DG Koofur Galbeed oo ka hadashay Dad maalintii labaad ku kala xayiran Muqdisho & Baydhabo


Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ka hadashay xayiraadda dhinaca safarka ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyada oo maalintii labaad uu hakad ku jiro duullimaadka labadaas magaalo oo joogsaday.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay dadka lagu xayiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in xayiraaddaan ay kahor imaanayso xeerarka duullimaadka rayidka ah, waxaana uu ku baaqay in aanay la siyaasadayn arrimaha la xiriira safarka gaar ahaan Muqdisho & Baydhabo.

Dhanka kale, Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan ayaa Warbaahinta u sheegay in laga hor istaagay safarkooda Baydhabo maadaama Magaalada Muqdisho ay u joogeen arrimo shaqo sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka Dastuurka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ku dhowaad 200 oo qof uu saameeyay go’aankaan lagu joojiyay duullimaadka labadaan Magaalo sida uu yiri.

“Waxa aan ku xayiranahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo naloo diiday in aan u safarno Baydhabo, labo duullimaad oo ah in ka badan 100 qof ayaa xayiran, Dastuurka ayaa xaq inoo siiyay in aan si xor ah u safarno” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Dastuurka DG Koofur Galbeed, Maxamed Ibraahim Barre

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho weli war kama soosaarin arrintaan si uu faahfaahin uga bixiyo eedahaan culus ee la xiriira joojinta duullimaadyada Muqdisho & Baydhabo.