Senegal oo laga xayuubiyay koobkii ay qaadday Janaayo ee AFCON 2026
Guddiga Racfaanka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa saacado kahor ku dhawaaqay go’aan qaraar oo dhulka la jaray ku guulaystay AFCON 2026 ee Senegal isla markaana farxad geliyay martigeliyaasha Morocco.
Xiriirka ayaa cuksaday Qodobka 84aad oo dhigaya in xulkii ama kooxdii isaga baxda Garoonka sabab kasta oo jirta darteed iyada oo aanay ciyaartu joojin garsooraha in looga badiyay qaab foorfeet ah oo kusoo dhammaanaysa 3 gool iyo 3 dhibcood.
Bayaanka kasoo baxay xiriirka Kubadda Cagta ee CAF ayaa lagu sheegay in markii dhinac weliba ka eegeen kiiskaan oo muddo labo bil ah baaris dhammaystiran lagu waday in ugu dambayn xiriirku go’aankaan koobka dib looga soo celiyay Senegal uu gaaray.
Dalka Morocco waxaa ka billowday dabbaaldegyo sida in ay xiligaas qaadeen Koobka AFCON, tani waxaa lagu sheegay in ay sii fogaynayso xiisadda u dhaxeysa Dalalkaan ku hardamay Koobkaan oo xitaa rabshadihii ka dhex dhacay uu ku geeriyooday askari.