Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Wayne Rooney Iyo Alan Shearer Oo Shaaciyay Boosaska Ay Chelsea U Baahan Tahay Inay Iska Xoojiso Si Ay Ugu Tartanto Horyaalka

Wayne Rooney Iyo Alan Shearer Oo Shaaciyay Boosaska Ay Chelsea U Baahan Tahay Inay Iska Xoojiso Si Ay Ugu Tartanto Horyaalka

Halyeeyada reer England, Wayne Rooney iyo Alan Shearer, ayaa sheegay in Chelsea ay u baahan tahay xoojinta dhowr boos si ay ugu tartanto Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Labadan halyeey ayaa arrintan ka hadlay kadib markii Chelsea 3-0 looga adkaaday kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka.

“Chelsea ma leh goolhaye heer sare ah, sidoo kale ma heysato difaac dhexe oo heer sare ah, inkastoo lacag badan ay kharash gareeyeen,” ayuu yiri Shearer.

Dhanka kale, Wayne Rooney ayaa intaas ku daray in weerarka sidoo kale u baahan yahay horumar:

“Waxaan u maleynayaa in weerarka uu weli u baahan yahay xoojin. Haddii aad rabto inaad ku tartanto koobabka waaweyn, waxaad u baahan tahay weeraryahan dhexe oo dhiirrigeliya kooxda.”

Chelsea ayaa hadda ku jirta kaalinta 6-aad ee horyaalka, taasoo muujineysa inay wali ka fog yihiin heerka kooxaha ugu sarreeya sida Liverpool iyo kuwa kale ee u tartamaya boosaska Champions League.