Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ismaaciil Cumar Geelle oo markale u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka Jabuuti,

Ismaaciil Cumar Geelle oo markale u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka Jabuuti,

Madaxweynaha talada Jamhuuriyadda Haatan haya ahna musharrax u taagan qabashada xilkaas doorashada lagu wado in ay dhacdo 10ka April 2026, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dadkiisa looga baahan yahay inay xoogga saaraan midnimada.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo la baratanka Dalalka horumaray xitaa isaga oo aan lahayn Shidaal iyo Macdan balse wax ka muhiimsan ay haystaan oo ah Midnimada Dadka Jamhuuriyadda Jabuuti sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nala dhahaa Macdan & Shidaal ma haysataan balse waxaa nagala muhiimsan midnimada, waa in aynu ku dedaalnaa midnimadaas oo ah waxa keliya aynu ku gaari karno horumar & Barwaaqo” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Markii 6aad ayuu u tartamayaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 5tii jeer ee horay ku guulaystay iyada oo doorashadiisa lixaad ay dhici doonto 10ka April 2026 waxaana uu ku jiraa waqtigiisa ololaha.