Sidee Ayuu Champions League U Saamayn Doonaa Helitaanka Liverpool Ee Badal Salah.
Kooxda Liverpool FC ayaa sii wada qorshaheeda ay ku raadineyso beddelka xiddigeeda Mohamed Salah, iyadoo la filayo inuu ka tago kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Saxafiga James Pearce ayaa sheegay in Michael Olise uusan ahayn ikhtiyaar sahlan, maadaama ay adag tahay in ciyaaryahan heer sare ah laga soo qaato Bayern Munich iyada oo aan lacag aad u badan la bixin.
Dhanka kale, Yan Diomande ayaa loo arkaa ikhtiyaar macquul ah, inkastoo qiimihiisa lagu sheegay ku dhowaad 100 milyan euro, inkastoo uu weli da’yar yahay.
Ugu dambeyn, ka qaybgalka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda ayaa door weyn ka ciyaari doona awoodda dhaqaale ee Liverpool, taas oo go’aamin karta inay heli karaan ciyaaryahan qaali ah oo beddela Salah.