Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sidee ayay u dhacday Munaasabadda lagu maamuusayay 66 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka?

Sidee ayay u dhacday Munaasabadda lagu maamuusayay 66 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 66 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Xoogga Dalka, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan iyada oo Militariga Soomaaliya uu soo bandhigay dhoollatus ciidan.

Mas’uuliyiinta ka hadashay waxaa kamid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashanadhigga XFS, Axmed Macallim Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Xoogga ay guullo muhiim ah ka gaareen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo tusaale usoo qaatay howlgalkii ka dhacay Muqdisho ilaa Baydhabo.

Ciidamada Xoogga Dalka ayuu sheegay in taariikhdoodu ku suntan tahay Halgan iyo xusuus aan duugoobayn, waxa uu xusay in uu dib u dhis ku socda, waxaa kale uu amaanay dalalka taageera sida Maraykanka, Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

“66 sano oo aynu maanta xusayno waa taariikh ay ku duugan yihiin halgan dhiig & xusuus aan duugoobayn waxaana ku socda dib u dhis xooggan” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa billado la guddoonsiiyay, waxaana loo gartay in ay kaalin muuqda ka qaaateen dib u dhiska Ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish sida ay sheegay hoggaanka sare ee taliskaas.

Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay door muuqda ka qaateen wax u qabashada Bulshada waqtigii adkaa ee soo maray isaga oo bogaadiyay sida ay u dhabar adeegeen.

Waxa uu xusay in ciidamada uu waajib ka saaran yahay la dagaalanka cid weliba oo horumarka diidan ama ka shaqaynaya wax weliba oo dib u dhigi kara Dalka sida uu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

“Dowlad ma jiri karto ciidan la’aan, Nin kasta oo horumarka waxyar u dhigaya waa Cadaw waana in la iska qabtaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Aqoonta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Askarta ku naafowda Difaaca Dalka ayuu sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay, waxa uu shaaciyay in awoodda Dowladdu inta uu gaarsiisan yahay in ay arrintaas u maareynayaan.

“Aqoonta Xoogga Dalka & Dadka ku naafooba haddii aan wax u wada qaban Karin inta aan awoodno ayaan wax u qabanaynaa, horaa loo yiri waxa aadan qaban Karin lagama wada tago” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadal qaaday Madaxweyne Xasan Maxamuud ciidamada Uganda iyo kuwa Itoobiya ee aanay qaybta ka ahayn howlgalka Midowga Afrika, waxa uu xusay in howlgalladooda ay ku waayeen agab ciidan oo qiimo badan ugu fadhiya oo aanay jirin cid magdhaw ka siinaysa.

“Itoobiya & Uganda Ciidan gaar ah ayaa Soomaaliya ka jooga oo Amniga ayay qeyb ka yihiin kuwaas aan ka tirsanayn kuwa Midowga Afrika, waxa ay naga daboolayn dhul aad u wayn” Sidaasi waxaa yiri Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka waxaa la aasaasay 12kii April sanadkii 1960kii, waxa uu soo maray marxalado kala duwan, haatan waxaa ku socda dib u dhis, waxaana ay ku howlgallaan diyaarado, Gaadiid Gaashaaman iyo hub kale oo casri ah.