Mareykanka oo ka hadlay Maraakiib xIran ku qabsatay marinka Hormuz
Aqalka cad, xoghayaha warfaafinta ee Karoline Leavitt ayaa ka soo muuqatay Fox News iyadoo ka hadashay qabsashada Iran ay ku qabsatay laba markab oo xamuul ah oo marayay marin biyoodka Hormuz horaantii shalay.
Waxaa la weydiiyay in tallaabada Iran ay ka dhigan tahay xadgudub xabbad joojin ah.
“Maya,” ayay tiri. “Ma ahayn maraakiib Maraykan ah, mana ahayn maraakiib Israa’iil.”
Markabkii ugu horeeyay ee ay beegsadaan ciidamada Iran subaxnimadii Arbacada wuxuu ahaa markab Giriiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Epaminondas.
Taliska ciidamada badda ee Iran ayaa sheegay in iyaga iyo markabka MSC-Francesca ee calanka Panama ka dul babanaya la qabtay ka dib markii ay khatar galiyeen ammaanka badda “iyaga oo aan haysan rukhsad.”
Iiraaniyiintu waxa ay u dhaqmayaan sidii koox budhcad-badeed ah, Leavitt ayey tiri, iyada oo ka hadleesay khasaaraha Maraykanku ku hayo ciidammada badda ee Iran iyo guusha ay ciidammada badda ka gaareen go’doominta dekedaha Iran.
Mar Leavitt la waydiiyay in Maraykanku uu ka fiirsan karo duqaynta doomahaas, waxa ay tiri “Maraykanku wuu awoodaa”, iyo in madaxweynuhu miiska u saaran yihiin “doorashooyin badan”.
Balse waxa ay sheegtay in qabsashada ay fuliyeen labo doonyood oo yar yar, islamarkaana ciidamada badda ee Iran ay “cirib tireen.”