Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona Kaalmaha Champions League.

Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona Kaalmaha Champions League.

Supercomputer-ka ay leedahay Opta ayaa saadaaliyay kooxaha ku dhamaysan doona shanta boos ee ugu sarreeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Sannadkii labaad oo xiriir ah, England waxay u diri doontaa shan koox tartanka ugu weyn Yurub ee Champions League.

Labada koox ee ku loolamaya horyaalka, Arsenal iyo Manchester City, ayaa horey u xaqiijiyay laba ka mid ah boosaska.

Laakiin Opta waxay ku dhowaad hubisay in Manchester United, Liverpool iyo Aston Villa ay qaadan doonaan saddexda boos ee haray.