Arsenal Halka Arin Ayaa Ka Caawisay In Ay Gaadho Final-ka Champions League, Nasiib Ayay Leeyihiin.
Halyeeyga kooxda Man United Roy Keane ayaa sheegay in ay Arsenal kulamo fudud ciyaartay ilaa inta ay ka gaadhaysay final-ka tartanka champions League.
Arsenal ayaa iska xaadirisay final-ka tartanka champions League kadib markii ay badisay Atletico Madrid.
“Sanadihii u dambeeyay, waxaan u maleynayaa in FC Barcelona ay ahayd kooxda ugu nasiib darrada badan Yurub”
“Xilli ciyaareedkii hore, waxaa reebtay Inter Milan, halka Inter ay final-ka uga muuqatay koox aad uga fudud sidii ay uga muuqatay markay la ciyaarayeen Barcelona. Sidoo kale waa kooxdii albaabka u furtay Atlético Madrid inay gaaraan semi-finalka”