Cabdiraxmaan Cirro oo dhawaaqay in Somaliland ay gaartay meel aysan waligeed gaarin.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda sanad guurada 35-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taaggeeda, isagoo ka hadlay horumarka siyaasadeed iyo dadaallada la xiriira aqoonsi raadinta.
Munaasabadda oo si weyn looga xusay guud ahaan deegaannada Somaliland ayuu Madaxweyne Cirro ku sheegay in sanadkan uu xusku kusoo beegmay xilli, sida uu hadalka u dhigay, Somaliland ay gaartay guulo waaweyn oo dhanka aqoonsiga ah.
“Waxaa farxad gaar ah innoo ah in maanta uu yahay xuskii koowaad ee aynu xuseyno 18-ka May, iyada oo aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Hadalkan ayaa noqonaya mid si weyn usoo jiitay indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka, maadaama uu kusoo aadayo xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo la xiriira xoojinta xiriirrada dibadda ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Somaliland ay tahay dal cusub oo kusoo biiray qowmiyadda Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xoojinayo qarannimada, dimuqraadiyadda, iyo horumarka.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kasoo baxday dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal mas’uul ah, nabad ah, sharci iyo dimuqraadiyad ay ka jirto, xuduudihiisana la yaqaano,” ayuu yiri.