Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Iran oo weeraro ka gaysanaysa Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Iran oo weeraro ka gaysanaysa Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Wasaaradda difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay ka hortagtay islamarkaana burburisay saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) kuwaas oo la sheegay inay kasoo kacayeen saldhig ku yaalla dalka Ciraaq.


Afhayeenka wasaaradda difaaca Sacuudiga, Major General Turki al-Maliki, ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ay si guul leh u fashiliyeen weerarkaasi, isagoo xusay in tallaabadaasi ay ahayd mid ku saleysan xaqa boqortooyada ay u leedahay inay iska difaacdo khatar kasta oo amni.


“Boqortooyadu waxay xaq buuxa u leedahay inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo ammaankeeda iyo xasilloonideeda,” ayuu yiri al-Maliki.


Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso, kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn lagu weeraray warshad tamarta nukliyeerka ee Abu Dhabi.


Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareysay weerarkaasi, iyadoo ku tilmaantay fal khatar gelinaya amniga gobolka iyo xasilloonida ka jirta Khaliijka.


Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarradan, hase yeeshee dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka uu wajahayo walaac isa soo taraya oo la xiriira weerarada loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.