Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Muxuu yahay hadalka Sheekh Shariif ee soo dedajiyay jawaabta Ra’iisul wasaare Xamse?

Muxuu yahay hadalka Sheekh Shariif ee soo dedajiyay jawaabta Ra’iisul wasaare Xamse?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, kaas oo ku saabsanaa ciidamada ammaanka iyo baraha koontarool ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in saraakiisha maamusha Checkpoint-yada Muqdisho ay qaadaan lacago sharci darro ah, islamarkaana dhaqaalahaasi loo gudbiyo madax sare oo dowladda ka tirsan.

“Dadka xukuma Checkpoint-yada bal wareysta dhaqaalaha ay ka sameeyaan, madaxda dhaqaalaha ayaa loo geeyaa iyaguna dhaqaale ayay ka sameeyaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlayay xaaladda amniga iyo ciidamada.

Hadalkaasi ayaa waxaa si toos ah uga jawaabay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada ammaanka lagu eedeeyo inay shacabka ka qaadaan lacago baad ah.

“Waa nasiib darro in ciidamada amniga sugaya la yiraahdo isbaaro ayay dhigtaan, waxayna qaataan lacago. Askarteennu ma qabato, dowladda Soomaaliyeedna ma qabato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay marxaladihii adag ee amniga Muqdisho ay soo martay sanadihii hore, isaga oo sheegay in magaalada maanta ay ka duwan tahay sidii hore.
“Muqdisho waxaad ogeydeen habeen aan la socon karin, dhiig daadanayo, qaraxyo meel kasta ka dhacayaan, Muqdisho oo wada tacsi ah,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn amaanay ciidamada ammaanka, isaga oo sheegay in nabadda maanta laga dareemayo Muqdisho ay ku timid dadaal iyo naf hurid ay sameeyeen ciidamada Qalabka Sida.

“Maanta Muqdisho waa nabad, daraf kasta caawa waa nabad. Nabaddan waxaa innooga baxay boqolaal dhalinyaro ah oo shahiiday iyaga oo amniga ilaalinaya sharafna raadinaya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xamza Cabdi Barre.